Shaqaallaha dowladda oo la fasaxay Cabsi laga qabo Cudurka Coronavirus

Dowlada Federaalka oo amartay in shaqaalaha dowlada ku shaqeeyaan guryahooda
Warqad ka soo baxday Wasaarada shaqada iyo Arrimaha bulshada Dowlada Federaalka soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowlada ay ku shaqeeyaan guryahooda ,marka laga reebo Agaasimayaasha laga bilaabo maanta oo khamiis ah taariiqdana si looga hortago faafista Cudurka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in fasaxani uusan quseyn shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeynaya ka hortagga cudurka koronofaayraska, sidoo kale shaqaalaha ayaa la faray inaysan dadka salaamin,isla markaana ay xirtaan galoofiska gacmaha lagu xirto,gacmahamarwalba ay dhaqdaan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada;