Tartan Quraan aqris ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho (Sawiro)

Tartan Quraan Aqris ah oo uu Bangiga Salaama Somali Bank soo qabanqaabiyay ayaa lagu soo gabababeeyay magaalada Muqdisho.

Tartankan oo socday muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa loo qabtay 140 Macalimiinta Dugsiyada Quraanka kariimka oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan.

Tartanka Quraanka Kariimka ee Macalimiinta iyo Ardeyda Quraanka baraneysa ka qeybgashay ayaa sanad walba waxa uu bangiga Salaam Somali Bank ku qabtaan Degaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan Macalimiinta 140 ka kooban ee tartankan loo qabtay ayaa waxay ku tartamayeen 30ka Jus ee Quraanka kariimka Xifdintiisa iyo Tafsiirkiisa.
Xubnaha ka qeybgalayay Tartankan ayaa waxaa ka Mid ahaa Madax ka tirsan bangiga Salaam Somali Bank iyo Gudi heer Caalami ah oo si weyn tartankan u maamulayay.

Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada tartankan Cabdul Baari oo ugu horeyn xafladda lagu soo xirayay tartankan ka hadlay wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida uu tartankan ku bilowday iyo qaabka uu ku soo dhamaaday.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyay xubnaha guddiga ee kala qeyb qaatay tartankan macalimiinta gobolada dalka ka timid iyo madaxdii kale ee suura geliyay qabashada tartankan.

Guddoomiyaha Guud ee Salaam Somali Bank Cabdirashiid Cali Jimcaale ayaa u hambalyeeyay guuleystayaasha tartanka quraanka kariimka isagoo sheegay in ay aad ugu dadaali doonaan sidii ay ku horumarin lahaayeen tartamada noocaan oo kale ah.
Sidoo kale wuxuu dhiiri galin iyo mahad celin u diray guddigii iyo mu’sasadii soo qabanqaabisay tartanka.

Ugu dambeyn xubnaha ku soo baxay kaalmaha ee tartankan ayaa goobta lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino kale duwan oo lagu dhiira gelinayay macalimiinta tartankan ka qeybgalay.

Kaalinta 1-aad ayaa waxaa galay Macalin Cali Cabdulahi Xuseen waxa uu abaalmarin u helay $5,000 (shan kun oo dollar) shahaado sharaf iyo Cumro bilaash ah.

Kaalinta 2-aad ayaa waxaa galay Macalin Maxamed Macalin canshuur $3,000 (saddex kun oo dollar) iyo shahaado sharaf.

Kaalinta 3-aad ayaa waxaa ku guuleyste Macalin Maxamed Nuur Xasan oo lagu abaalmariyay lacag dhan $2,000 (Laba kun oo dollar) iyo shahaado sharaf.