Dowlada oo sheegatay inay ku dishey sarkaal sare howlgal ka dhacay Janaale

Dowlada federalka ayaa shaacisay inay ku dishay howlgal ay ka fulisay deegaanka Janaale sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab,

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, S/guuto; C/xamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in weerar ka dhacay nawaaxiga Jannaale lagu dilay, Muxyidiin Sheekh Cabdi (Al-anzaari) oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Jannaale iyo Aw-dheegle iyo Laba kale oo uu sheegay in ay dib ka baahin doonaan magacyadooda.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howl-galka uu Xalay ka dhacay ka dhacay degaanno ku dhow-dhow Jannaale, halkaas oo ay u firxadeen nabad-diidku markii looga itaal roonaaday weerar qorsheysan oo Ciidanku ka fuliyeen halkaasi.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay Shacabka kusoo wargeliyeen goobaha ay ku dhuumaalaysanayeen firxadka Al-Shabaab, haatanna ay kusii raad-joogaan haraadigooda.