Wasiirka dastuurka KoofurGalbeed Soomaaliya Aadan Xasan  oo is casilay

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan Xasan Maxamed ayuu ku sheegay inuu iska casilay xilkii Wasiirnimo ee uu ka haayay maamulka KoofurGalbeed Soomaaliya.

Wasiir Aadan Xasan Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in warqadiisa Is-casilaada ah uu u gubiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gateen oo xilka u magacaabay 13/02/2019.

Sidoo kale waxaa uu Aadan Xasan u mahadceliyay shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed iyo Golaha Wasiirada ay soo wadashaqeeyeen inta uu xilka haayay.

Hase yeeshee kuma sheegin qoraalka wasiirka is casilay sababta keentay inuu is casilo,hase yeeshee warar hoose ee ay heshay jowhar.com ayaa sheegaya in wasiirku uusan jecleysan qaabkii loo qeybsaday kuraasta baarlamaanka KoofurGalbeed Soomaaliya.