Xogsiinta dadweynaha ayaa looga badbaadi karaa Fayraska Korona (Warbixin)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay diyaargarow ay wax uga qabaneyso cudurka Korona Fayras, waxaana sida dunida kale la qabtay kulamo isxigxigay oo looga hadlayo arrintaan heerka caalami ah. Goob lagu karaantiilo dadka qaba cudurka, laguna daawayn karo ayaa la furay,. Dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha ayaa la amray in ridaha loo laabo.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee xanuunka Korona toddobaadkaan, waxayna taasi dad badan ku abuurtay walaac. Duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya ee Muqdisho imaan jiray ayaa la hakiyay ilaa iyo 3-da bisha Abriil, iyada oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay dadka kula taliyeen in ay ka dheeraadaan in ay meel isugu soo aruuraan iyagoo tira badan.

Waxyaabahaasi oo dhan waa bilow fiican, waxaase ka sii muhiimsan in dadku isdajiyaan, feejignaan muujiyaan, ayna raacaan tilmaamaha ay bixinayaan saraakiisha caafimaadka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa si weyn uga muuqatay warbaahinta, laakiin waa in wasaaraddu xog badan ay dadweynaha siisaa. Wasiiradda caafimaadka waa ay hadashay, laakiin waxay inta badan diiradda saartay sida fayrasku ku yimid Soomaaliya. Waxa ay wasaaraddu u baahan tahay in ay sameyso xilligaan la joogo waliba si dhaqso ah ayaa ah sharixitaanka ku saabsan waxa uu yahay Korona Fayras, calaamadihiisa iyo sida uu dadka u saameeyo, sidoo kale sida la iskaga difaaco, iyo waxa dhacaya haddii uu qofka uu cudurka uu haleelo ama qaado. In arrimahaan lagu gudbiyo baraha kala duwan ee warbaahineed sida Telefishinada, Idaacadaha, Website-yada iyo baraha bulshada ayaa xilligaan ah qasab.

Khatarta cudurka Korona waa mid dhab oo keeni karta dhimasho, laakiin waa la maareyn karaa sidaas waa in ay noqotaa farriinta guud ee dowladdu gudbineyso. Waa in ay tan daba socotaa hab sharaxaad diiradda sareysa sida ay tahay in Soomaaliya ay ugu istaagto caqabaadas culus oo ay u maareyn karto taas oo ka imaaneysa tabaabusho iyo u diyaargarow, taasna waa in ay ka timaadaa ficilada ama dadaalada dowladda. Xilliyada adag sida waqtigaan oo kale, walbahaarku marnaba ma ahan ikhtiyaar ama wax loo baahan yahay. Dowladda waa in ay halkeeda ka sii waddaa oo muujisaa in ay hoggaanka tahay, dadaalada lagula dagaalaya cudurkana ay safka hore ka hagtaa.

Xilliyada ay dunida ka jiraan qalalaasaha sida waqtigaan oo kale waxaa muhiim ah in dalalka dunida soo koraya sida Soomaaliya oo ka soo kabaneysa waqti adag oo soo maray ay ka faa’iideysato dadaalada caalamiga ah ee horay u jiray si ay u buuxiso gaabiska ka jira dhanka farsamada, maaliyadda iyo xog la’aanta sida dabiiciga ah iskaga jira. Bahwadaagta Soomaaliya ha noqdaan ururo ama dowlado caalami ah sida Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) waa in ay si wadajir ah oo dhow iskala shaqeeyaan xog wadaagis, khibrad iyo kheyraadka la heli karo si ay uga adkaadaan caqabada cudurka Korona Fayras ee ka dhici karta dal aad ugu nugul sababo la xiriira adeegyada caafimaad ee hooseya iyo kaabayaashii bulshada oo liita awgeed.

Korona Fayras waa in uu bahwadaagta dhanka horumarinta ee Soomaaliya u noqdaa dhawaq hurdada ka kiciya, si gaar ah Hey’adaha maaliyadda caalamiga ah iyo horumarinta oo ay tahay in ay dadajiyaan maalgalinta la xiriirta dhimitaanka saboonimada, u adkeysiga musoobooyinka iyo horumarinta dadweynaha maadaama dadaalka guuleystay ee dhanka dib-u habaybta maaliyadda oo Soomaaliya ay sameysay uu keenay in lagu daro nidaamka lagu caawiyo dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay ee loo yaqaan (Highly Indebted Poor Countries Initiative-HIPC)
Difaaca ugu fiican ee ka dhanka ah Fayras Korona iyo arrimaha kale marka la joogo heer Qaran oo Soomaaliya ah waa xog caafimaad oo si hagaagsan loo gudbiyay. Xogtaasi waa in ay tahay mid fudud oo la fahmi karo, loogu talo galay dadweynaha isla makaana ay tahay mid xaqiiq ku saleysan.

Sidee dadweynuhu u badbaadin karaan naftooda iyo kuwa kaleba?

Waa in taasi ay noqotaa hadafka ama farriinta ololaha wacyigalinta maxaa yeelay waxay taasi keeni kartaa in dadku si wanaagsan uga sii diyaargaroobaan, intii ay six un uga falcelin lahaayeen oo cabsi iyo shaki u la noolaan lahaayeen.

Halka ugu fiican ee laga bilaabi karo ayaa ah in dadweynaha loo keeno xogihii internet-ka ugu dambeeyay ee wacyigalinta ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Waa in xogahaas iyo tallooyinkaas la turjumaa oo la gaarsiiyaa dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa muhiim ah in tallooyin iyo farriimo caafimaad loo marsiiyo ama laguu diro telefanada shacabka Soomaaliyeed maaamada inta ugu badan bulshada ay isticmaalaan meel walba ay joogaan.

Hadalada ku turi kuteenka ah, wararka been abuurka iyo mala awaalka lagu hayo goobaha lagu shaaho waxay kaliya keenayaan walaac, walbahaar, iyo dhibaato iyaga oo sababi kara dhibaatooyin siyaasadeed, bulsho, amni iyo kuwa dhaqaale oo dib u celin kara horumarka la sameeyay.

Marka la joogo siyaasadda caafimaadka iyo dhaqaalaha waxaa jirta oraah aad u caan baxday oo tiraah “Ka hortagga ayaa ka wanaagsan daweeynta”. Tan ayaa u muuqata in ay tahay midda nolosha dad badan badbaadin karta, kana hortagi karta walaaca iyo cabsida aan loo baahneyn ee Soomaaliya ka jirta. Ka hortaga waxa uu u baahan yahay marka u horreysa xog xaqiiqda ku saleysan oo waqtigeeda la joogo, taas oo ay si dhow u la socoto waxqabadyo siyaasadeed oo jiheysan oo si gaar ah loogu talo galay dalalka soo kabanaya sida Soomaaliya oo leh adeeegyada iyo kaabayasha caafimaaadka ay aad u hooseeyaan.

Ilaaheey dhammaanteen hanaga badbaaadiyo Korona Fayras, kuwa qabana allaha siiyo caafimaad degdeg ah.

Wixii aragti ah ama tallo ah ku soo hagaaji emailka hoose.

Liban Obsiye

libanbakaa@hotmail.com

@LibanObsiye (Twitter)