Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo todobaad shaqada hakin doonto

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa muddo todobaad ah shaqada hakin doonta, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus oo caalamka oo dhan ku faafayo, sababayna in la joojiyo shaqooyinka iyo duulimaadyada muddo todobaadyo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo todobaad oo ka bilaabaneysa maalinta Talaadada ah.

Danjire Tarsan ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya inay raacaan tilmaamaha dowladda Kenya bixisay iyadoo laga fogaanayo cudurka.

Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka laga fasaxo dadka laga maarmo ama ay xaafadahooda ka soo shaqo tagaan.