Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka dhacay duleedka KIsmaayo

Dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka unguumi, waxaana ku dhintay illaa 7 ruux.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku haayo muran ka dhashay dhul daaqsin iyo ceel biyood, waxaana la sheegay in murankaas uu muddooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay, ugu dambeyna uu ka dhashay dgaaal.

Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inay ciidamo u direen deegaanada lagu dagaalamayo, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.