Amiirka Wales ee Boqortoyada Ingiriiska oo cudurka Coronovirus ku dhacay

Cudurka Coronovirus oo haatan ku sii fidaya dalal badan oo caalamka ah ayaa dad badan oo caan ah uu ku dhacay,waxaana ugu dambeeyay amiirka Wales Charles oo ah 71 sano jir.

Afhayeen u hadlay qoyska reer Boqor ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in astaamaha cudurka Covid-19 lagu arkay balse xaaladiisu ay wanaagsan tahay.

Baaritaan lagu sameeyay xaaska amiirka ayaa laga waayay cudurka Coronoviruska.
Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral.

Inkabadan siddeed kun oo ruux oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa laga helay cudurkan Coronovirus iyadoo 440 ruux ay u dhinteen cudurkan.