Faahfaahin ka soo baxaysa Guddoomiyihii deegaanka Raaskaambooni oo qarax lagu diley

Wararka ka imanaya deegaanka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lagu diley guddomiyihii deegaanka Raaskaambooni Cabdulaahi Diiriye oo muddo sagaal sano ah maamulayay deegaankaas.

Qaraxa ayaa ahaa mid lala beegsaday gaariga uu saarnaa guddoomiyaha deegaankaasi Raas-Kambooni gaar ahaan Jaziiradda deegaankaasi Raas-Kambooni.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in guddoomiyuhu uu u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray qaraxaasi miino.

Guddoomiyaha lagu diley qaraxa ayaa la sheegay inuu aad u taageersanaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uuna ka mid ahaa mas’uuliyiin xiriir dhow la leh Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,