Korona Fayras: Ma kari karno Mana kasi karno !!

Cudurkaanoow magacaaga afkeena kuguma naqaano, af qalaadna kuuguma dhawaaqi naqaano, laba mid yeel: Maraan ku kasi karno noo imoow. Ama, maraan ku kari karno nasugo.

Inaanan ku aqoonin waxaad ka garan kartaa sidaan nahay, oo waxaad tahay cadow aynan garanaynin masaafada uu noo soo jiro, si’aan kaaga cararno, ama kuula tacaalno, ogaalkeeda kuuma lihin.

Dhaqaale ahaan, dhaqaatiir ahaan, dhaqan ahaan, intaasba iskama kaa celin karno, hadaba, hana soo weerarin, hanaga adkaanin, ee min fadlak wa ixsaanak amaan nasii.

War Karoonoow, naga roonoow, ragaan iska kaa dhicin karin lama dharbaaxo, lama dhibaateeyo, ee waa loo turaa, oo waa la ag maraa, oo waa laga tagaa.

War Koroonoow, gob sideedii yeel, guluf kuu qalma godkiisa ugu gal, laakiin, masaakiin war mooga ah, waran haku tuurin, magac kaa raaci maayee, magtooda hagalin.

War Koroonoow, sidaan kaaga sii jeedno maku fahamsiiyaa, HAA IDHEH, qof walboo naga mid ah, wixiisii ayuu sii walaaqanayaa, war murtiyeedkii waa sidiisii, shir beeleedii waa sidiisii, colaadii waa sideedii, fadhi-ku-dirirkiina waan wadnaa, ina adeeroow, anagaaba sidii isugu mashaqaysanee mid kale hanoogu darin min fadlak.

War Koroonoow, qalab mahayno, qaaraan maheli karno, quwad kuuma lihin, min fadlak naga qallee.
War Koroonoow, intaas codsi iyo catow kuugu filan, cabaad iyo cibro kuugu filan, ee min fadlak markaan nakala leexi, oo waliba anaga kaama leexan karnee, adigu naga dhuumo, oo nadhaaf min fadlak.

War Koroonoow, inaadan i af aqoonin, i arag garanaynin waan ku ogahayee, dadkaan ku barayey, ku fahamsiinayey, ee aan Alle ka tuugnee, aamiin adinkuna ii dhaha.

Ilaahayoow, ilaah kaloo xaq lagu caabudo majiro, adaa na abuurtay, adoomadaada ayaan nahay, aan ku barinee naga ajiib.

Xabad sokeeyo, xabaalo waan u galnay, ee rabboow Koroono naga ilaali.

Ilaahayoow, adaan adoomadadaa nahay, qaraxii shabaab, xabaalo waan u galnay, ee raboow Koroono naga ilaali.

Ilaahayoow, adaan adoomadaada nahay, agab caafimaad la’aan xabaalo waan u galnay, ee raboow Koroono naga ilaali.

Ilaahayoow, adaan adoomadaada nahay, cadowgaan naga badbaadi.

Waxaa qoray: Abdiaziz Golf