C/raxmaan Ceynte oo soo bandhigay xog ku saabsan heerarkii uu soo maray Barnaamijka deyn cafinta

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Xukuumaddii hore C/raxmaan Ceynte ayaa ka sheekeeyay geeddi socodka barnaamijka deynta cafinta, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Federaalka guusha laga gaaray barnaamijka deyn cafinta.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu kaga hadlay heerarka uu soo maray geeddi socodka deyn cafinta, waxaana uu tilmaamay inay biyo  kama dhibcaan ay tahay in barnaamijkaas loo fahmo sida uu yahay.

Waxaa uu qodobeeyay shuruudihii lagu guuleystay iyo shuruudaha dhiman, isagoo xusay inuu jecleystay xogta ku saabsan barnaamijka deyn cafinta iyo heerarka uu soo maray inuu u soo bandhigi Shacabka.

Halkan hoose ka akhriso:-

Bismillah,

Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Dowladda Federaalka ah ugu hambalyeynayaa guusha laga gaaray barnaamijka cafinta deynta/amaahda lagu leeyahay #Soomaaliya. Waa guul ballaaran oo usoo hoyatay dalka iyo dadka, waxaana bogaadin mudan intii kasoo shaqeysay.

Waxaase biyo kama dhibcaan ah in barnaamijkaas loo fahmo sida uu yahay, geeddi socodka uu soo maray iyo yoolka uu tiigsanayo. Maadaama aan kamid ah ahaa masuuliyiintii qaybta ka aheyd wada xaajoodkii ugu horreeyay ee dayn cafiska, sannadkii 2015, waxaan jecleystay inaan xogtan ummadda la wadaago.

1. Soomaaliya waxaa lagu lahaa lacag kor u dhaafay 5.2 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, waxaana ku lahaa labaatameeyo dal iyo bangiyo caalami ah. In ka badan kala bar lacagtaas waa dulsaarka amaahda (interest of principle).

2. Marka laga soo tago bangiyada lacagtaas nagu leh oo kala ah: World Bank, IMF, AfDB iyo IsDB, waxaa jira dhowr iyo labaatan dal oo lacagtaas badankeed aan uga amaahannay agab (isugu jira hub iyo saanad kale) iyo lacag caddaan ah. Dalalkaas waxay ku mideysan yihiin Naadiga Paris Club.

3. Sannadkii 2015-kii ayay IMF iyo World Bank go’aansadeen in Soomaaliya buuxisay shuruudaha barnaamijka Dalalka Deyntu Ragaadisay ee Misana Saboolka ah (Highly Indebted Poor Countries ama HIPC). Barnaamijkaas waxaa udub dhexaad u ah Barnaamijka Korjoogteynta Dhaqaalaha (Staff Monitoring Program) kaas oo ah imitixaan aad u adag oo loo maro dhabbaha cafinta amaahda.

4. Tan iyo 2016-kii, Soomaaliya waxay 4 goor ku baastay imitixaankaas, waana sababta keentay in ugu dambeyn shalay la gaaro yool dhexaadka loo yaqaanno “Decision Point” oo ah meesha ay IMF iyo World Bank ku qaataan qaraarka ah inay naga cafiyaan dulsaarka amaahda. Soomaaliya waa dalkii 37-aad ee gaara yoolkaas.

5. Balse, imtixaanka ka sokow, qaraarka IMF & World Bank waxaa fududeeyay dayn ku meel gaar ah (bridge loan) oo ay na siiyeen dhowr dal oo ay ugu horreeyaan Norway iyo UK. Dayntaas waxaa lagu bixiyey dulsaarka amaahda.

6. Amaahda soo hartay waxaa go’aankeeda gaari doona dalalka ku bohoobay naadiga Paris Club, waxayna sida lagu wado oggolaan doonaan inay Soomaaliya ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin, waase haddii Soomaaliya ku baasto imitixaanno horleh, kana adag kuwii hore.

7. Muddada uu imtixaankaas soconayo waa ugu yaraan 3 sano, waxayse qaadan kartaa in ka badan 10 sano! Haddii lagu baaso imtixaankaas, Soomaaliya waxay gaareysaa yoolka ugu muhiimsan ee barnaamijka, oo ah midka loo yaqaanno “Completion Point” ama “Barta Dhammeystirka”.

8. Marka ay dalalkaas cafiyaan deyntooda oo dhan, wali waxaa Soomaaliya ku haraya 557 million oo la rabo inaan annagu iska bixinno.

9. Dalal badan oo ay Mozambique iyo Sri Lanka ugu horreeyaan ayaa, markii laga cafiyey amaahda kaddib, waxay ku qarqameen amaah horleh oo ay inteeda badan ka qaateen China. Dhabbahaas waxaa imminka ku socda Kenya iyo Itoobiya. Amaahda laga qaato China masoo marto bangiyada caalamiga ah, waana mid ay shuruuddeedu sahlan tahay.

10. China waxay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay la wareegtay dekedda ugu weyn Sri Lanka iyo airport ka caasimadda Mozambique, kaddib markii dalalkaas iska bixin waayeen amaahda bilaa xuduudda ah ee China.

Haddaba, maxaan ka baran karnaa casharkaas?

Haddii nalaka cafiyo deynta oo dhan, inaanan mar kale lagu degdegin deyn cusub oo culeys ku noqon doonta jiilka dambe, isla markaana dhantaali doonta horumarka dalka.

Wabillahi Towfiiq