Kulan loogaga hadlayo ammaanka Hirshabelle oo ka furmay Jowhar

Kulan loogaga hadlayo ammaanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka bilowday maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle,Madaxda labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan,saraakiil ka socota Milatariga,Booliska,Nabadsugida iyo saraakiil ka socota AMISOM.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo lagu qabto magaalada Jowhar ayaa loogaga hadlayaa xaqiijinta amniga labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.