Nuur Cadde oo la xanuunsanaya caabuqa Coronavirus iyo RW Kheyre oo caafimaad u rajeeyay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku xanuunasanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Nuur Cadde ayaa la sheegay inuu ku dhacay caabuqa Coronavirus oo uu la xanuunasanayo sida ay soo warisay DalsanTV.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Alle ugaa baryau  Nuur Cadde caafimaad degdeg ah inuu siiyo.

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf.