Kenya oo si rasmi ah uga dhaqan galaya Bandow habeenkii ah

Caawa 7-da Fiidnimo xilliga Geeska Afrika waxaa dalka Kenya oo dhan ka dhaqan galaya Bandow habeenkii ah, iyadoo la joojinayo dhammaan wixii isku socod ah.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Arbacadii Amar ku bixiyay in Bandow lagu soo rogo dalka oo dhan xilliyada habeenkii.

Bandowga ayaa dhaqan galaya caawa oo jimco ah, taariikhduna tahay 27 March, waxaana uu bilaabanaya 7 fiidnimo, kuna eg 5-ta subaxnimo.

Tallaabadan loo qaaday Bandowgan lagu soo rogay dalka Kenya oo dhan ayaa lagu macneeyay, si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Bandowgan ayaa saameyn doonin xirfadlayaasha caafimaadka iyo kuwa bixiya adeegga muhiimka ah ee daruurig.

Dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ayaa la joojiyay habeenki Arbacadi aheyd, waxaana la fasaxay oo kaliya duullimaadyada xamuulka.

Dowladda Kenya ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay qaadeysay tallaabooyin looga hortagayay faafida Cudurka Coronavirus, waxaana illaa hada la xaqiijiyay hal dhimasho oo ah Muwaadin Kenyan ah oo 66 sano jir ah,  sidoo kale Kiiska ayaa  gaaray 28 qof.