Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada caafimaad ee Ra’iisul Wasaarihii hore Nuur Cadde

Qoyska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ka warbixiyay xaalada cafimaad ee Ra’iisul Wasaarihii hore oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay, iyadoo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada London.

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa xaqiijiyay in aabihii xaaladiisa ay wanaagsan tahay, balse Isbitaal uu ku jiro, oo lagula tacaalayo xaaladiisa.

Waxaa uu sheegay in 8 maalin ka hor lagu arkay caabuqa coronavirus isagoo xusay in sababta Isbitaalka loo geeyay ay tahay, iyada uu qabo xanuuno ay ka mid yihiin Sokorta.

Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay lagu qoray baraha bulshada oo ah inuu geeriyooday Nuur Cadde, isagoo xusay in waqtigiisa uu dhimanayo, balse aanay xaaladiisa aheyn mid si aad ah u liidata.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa taleefanka kula xiriiray qoyska Ra’iisul Wasaarihii hore, isagoo Alle uga rajeeyay inuu caafimaad degdeg ah uu siiyo.

Nuur Cadde ayaa ahaa Ra’iisul Wasaarihii dowladdii KMG ee uu hoggaaminayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaa uu xilka hayay sanadihii 2007-2009.