Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii dalka gudihiisa

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii gudaha dalka, si loo xakameeyo cudurka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maalinta berri oo Axad ah, taariikhdu tahay 29 March si KMG ah loo joojiyay duulimaadyada gudaha.

Inta badan duulimaadyada gudaha ayaa haa kuwo caadi ah oo shaqeynayay, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday 18-kii bishan inay joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Wasaaradda:-