Mahad Salaad “Amar lagu raali gelinayo Itoobiya ayaa lagu xiray Iskuulkii 15 May”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya kula wareegeyso Iskuulka 15 May ee ku yaalla degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley), waxaana Iskuulkan maamula Guddiga waxbarashada iyo Tacliinta dalka Masar.

Mahad Salaad ayaa sheegay in amarka lagu xirayo Iskuulkan uu yahay mid lagu raalli gelinayo dowladda Itoobiya, isagoo iskula xiriiray go’aankan iyo tallaabadii dhowaan dowladda Soomaaliya uga laabatay taageeradii qaraarkii Masar ee Shirkii Jaamacadda Carabta.

“Amar lagu raali gelinayo Itoobiya oo lagu xiray Iskuulkii 15 May ee dowlada Masar maamuleysay, ardayda dhigatana lacag la’aan wax lagu bari jiray, Horay hadii Qalbi Dhagax loogu dhiibay, Dekadihii dalka lagu wareejiyay, Qaraarkii Jaamacada Carabta ee dowlada Soomaaliya horay u taageertay amarkooda looga laabtay maxaa haray”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhowaan soo saartay qoraal ku qoran afka Carabiga oo lagu sheegay inay la wareegeyso Dugsiga 15 May oo ay maamuleysay Guddiga waxbarashada reer Masar, waxaana la isku raacay in la wareegistan ay dhaqan galeyso 20-ka April 2020.

Go’aankan ayaa ku soo aaday, iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ka laabatay taageeradii qaraarkii Masar ee Wabiga Niil ay horgeysay Jaamacadda Carabta, waxaana la sheegay in dowladda Soomaaliya warqad raalli gelin u qortay Itoobiya, kuna cadeysay inay ka laabatay taageerada qaraarkaas, isla markaana dhex dhexaad ka tahay khilaafka labada dal ee ka taagan biyaha Nile.