Mareykanka oo noqday dalka ugu badan ee laga helay kiiska cudurka Coronavirus

Mareykanka ayaa noqday dalka ugu badan ee uu soo ridanayo cudurka Coronavirus, waxaana uu kor u dhaafay kiisaska laga helay illaa 100,000 oo qof.

Tirada dadka u geeriyooday cudurkan ayaa gaartay 1,259, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Isbitaalada qaar ayaa waxay la ciir ciirayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurkan, waxaana Mareykanka uu ka sara maray tirada kiisaska Coronavirus dalka Shiinaha oo ahaa halka uu ka soo bilowday.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay Waaxda caafimaadka ee la dagaalanka cudurka COVID-19, waxaana uu ka dalbaday inay si adag loogu hortago cudurkan.

Dhibaatooyinka uu cudurkan ku haayo caalamka ayaa sii kordhayay, waxaana weli la helin daawo rasmi ah oo looga hortagi karo.

Inta badan wadamada caalamka ayaa joojiyay dhaq dhaqaaqyada guud, sida duulimaadyada, goobaha dadka isugu yimaadaan, waxaana wadamada qaar ka hirgalay bandow.