Wiil dhalinyaro caan ka ahaa Dhuusamareeb oo maanta la dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro caan ka ahaa magaaladaas maanta lagu dilay.

Wiilka dhalinyarada ee la dilay ayaa lagu magacaabayay Shaafici Xaaji Diiriye, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo Ilaalo u aheyd Senator Ugaas Dhagey.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Dayax ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana wiilka la dilay uu watay gaari yar, isagoo ku yimid waddo u xirneyd Ilaalada Senator Ugaas Dhagey.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka wiilka dhalinyarada oo la sheegay in si ula kac ah rasaas loogu furay, kaddib markii uu si caadi ah ku soo maray koontaroolki koowaad ee wadada xirneyd.

Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa ilaa iyo hada ka hadlin dilka wiilka dhalinyarada loogu geystay magaalada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa tan iyo markii dowladda  la wareegtay magaalada waxaa ku soo kordhayay jidadka la xiro oo aan horay uga jirin intii magaalada gacanta ku hayeen Ahlusuna, iyadoo  jidad badan oo hormara guryo ay degan yihiin saraakiil, mas’uuliyiin iyo xildhibaano ay xiran yihiin.