Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii ismiidaaminta ee Garowe iyo Puntland oo ka hadashay

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo caawa ka dhacay magaalada Garowe, kaasoo ay ku dhaawacmeen Mas’uuliyiin.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay qaraxaas ku beegsadeen Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, ayna khasaare ku gaarsiiyeen, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera.

Al-Shabaab ayaa intaa ku daray in dhaawac culus uu qaraxaas ka soo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore qeybta Booliska Gobolka Nugaal.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka hadlay qaraxii caawa, waxaana uu xusay inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, uuna ku dhaawacmay Taliyihii hore qeybta Gobolka Nugaal Faarax Galangooli.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ku dhaawacmay qof shacab ah, isla markaana ay wadaan ciidamada booliska baaritaan ku aadan dhanka amniga.

Magaalada Garowe ayaa ka mid ah magaalada ugu amniga wanaagsan deegaanada Puntland, waana markii labaad oo qarax ismiidaamin ah uu ka dhaco, shan sano ka hor ayay aheyd markii la isku qarxiyay gaari ay la socdeen shaqaalaha Qaramada Midoobey.