Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Gobolka Baay

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu lagu faah faahiyay duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan Gobolka Baay.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in 27-kii bishan Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxibadooda Soomaaliya ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Buula Fuulaay oo ka tirsan Gobolka Baay.

Duqeynta ayaa lala beegsaday lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in aanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday duqeyntaas.

Hase ahaatee Al-Shabaab oo ka hadlay duqeyntaas ayaa lagu sheegay labo gantaal ay deegaanka Buula Fuulaay ku garaacday diyaaradda aan duuliyaha laheyn, ayna ku dhinteen labo qof oo shacab ah.

Dhinaca kale war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarumo Al-Shabaab lahaayeen, laguna dilay labo xubnood.