Senatar Ugaas Dhagey oo Hey’addaha Amniga ku wareejiyay Askarigii dilka geystay

Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka hadlay wiil dhalinyaro ah oo shalay Ilaaladiisa ku dileen magaalada Dhuusamareeb.

Ugaas Dhagey ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday wiilka dhalinyarada, waxaana uu sheegay in Hey’adaha amniga uu ku wareejiyay askarigii dilka geystay.

“Alle ha u naxariisto shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed,Ugu dambeyn waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaa foosha xun cidii u geysatay marxuumka cadaalada loo marsiin doona” ayuu yiri Senetor Dhagey.

Goobta lagu dilay wiilka dhalinyarada ayaa aheyd waddo ay u xirneyd Ilaalada Senatarka, waxaana inta badan dadka u mari jireen si caadia ah, hase ahaatee dhacdadii shalay ayay dadka deegaanka ku tilmaameen mid ku tala gal ah, maadaama wiilka la dilay uu is tusay ilaalada, dhowr jeer wadada maray, lana yaqaanay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa dadka deegaanka ka cabanayeen maalmihii la soo dhaafay jidgooyooyin iyo waddooyinka qaar oo dhagxaan lagu xiray.