Cali Saciid Fiqi oo ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Koofur Galbeed

Safiirkii hore ee Soomaaliya Midowga Yurub Amb. Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, doorasho ka dhacday Baydhabo.

Natiijada doorashadan ayay dad badan filayeen maadaama Cali Saciid uu ahaa ninka xilkan loo waday, sababta Baarlamaanka loogu soo daray au aheyd si uu u qabto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Cali Saciid Fiqi ayaa helay 83 cod, halka Musharaxa la tartamayay uu helay 2 cod, iyadoo ay xumaadeen 8 cod.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa aad uga hooseysay doorashooyinka kale Guddoonka Baarlamaanka dowlad goboleedyada, maadaama xamaasadda tartankaas uu aad u hooseeyay, marka loo eego in hal musharax kaliya ahaa ninka la hadal hayay.