Yuusuf Garaad oo su’aalo ka keenay qaabkii NISA ay u martay eedeyntii Wariye Harun Macruf

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, horayna u soo noqday Tifaftiraha Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa su’aalo dhowr ah ka keenay qaabkii Hey’adda NISA u eedeysay Wariyaha caanka ah Harun Macruuf.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal dheer oo uu bartiisa Facebook ku soo qoray ku sheegay in fariinta ay NISA soo jeediyay iyo goobta ay ku soo bandhigtay aysan aheyn mid uusan jecleysan.

Sidoo kale waxaa uu xusay in NISA aysan ansharx marin saxaafadeed shaqo ku laheyn, taasoo ka mid ah waxyaabihii ay NISA u cuskatay eedeymaha ay u soo jeedisay Harun Macruuf.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad:-

Ma ogi waxa ay NISA sheegtay in ay iyadu ka og tahay Haaruun Macruuf.

Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka.

Haddana ma jecleysan farriinta NISA ay soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya.

Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka.

Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha.

Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka.

Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga lagu tuhmay.

Maxkamad la wada aado. Caddeymaha eedeynta iyo Difaaca eedeysanaha dooddiisa uu isu miisaamo Garsoore. Sharcigu uu shaqeeyo.

Dal Dimuqraaddi ah, oo sharci iyo kala dambeyn leh, hey’addiisa sirdoonku weriyayaashana uguma hanjabto baraha bulshada.

Sirdoonkuna hey’adaha dalkiisa xog xasaasi ah uguma gudbiyo Saxaafadda bulshada.

Ma jecleysanayo in aan He’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyadaa dooddaas keentay isla goobtaan.

Su’aasha Dowladda Federaalka u taallaa waxay tahay:

Haddii Hey’adda Sirdoonka ay ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?