Spain oo noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan Cudurka Coronavirus

Dalka Spain ayaa noqday dalka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka Coronavirus, iyadoo uu gaaray in ka badan 10 kun oo qof oo u geeriyooday cudurkaas.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in tirada dadka uu haleelay cudurkan uu gaaray 117,710, waana dalka labaad ee ugu badan ee cudurkan si weyn u saameeyay, Mareykanka ayaa ka horreeyay oo 7 jeer ka badan.

Tirada dhimashada dalka Spain ayaa gaartay 10,935, waxaa ka horreeya oo kaliya dalka Talyaaniga oo gaartay 13,915.

Dhimashadii ugu badneyd ayaa dhacday maalin kaliya, markii la xaqiijiyay geerida 950 qof hal maalin ah.