Wararkii ugu dambeeyay Caalamka ee Cudurka Coronavirus

Dalka Talyaaniga ayaa dadka ugu geeriyooday cudurkan Coronavirus waxa ay gaareen 15,362 halka bukaanada ku jira qeybaha gargaarka degdegga ah ay markii ugu horeysay ay hoos u dhaceen.

Magaalada New York ayaa hase ahaatee dadka ugu dhintey cudurkan ay aad u kordheen iyadoo ay gaartay heerka dhimashada illaa 3,565 iyadoo 24 saac ka hor ay joogtay 2,935.

Wadanka Spain oo dadka u dhintey cudurkan ay gaarayaan 11,744 ruux ayuu ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez waxa uu sii kordhiyay waqtiga ay magaalada caasimaha ah ee Madrid ay bandowga ku jiri doonto iyadoo lagaarsiiyay illaa 25ka bishan April.

Dalka Iran ayaa waxaa laga soo sheegayaa in tirada guud ee u dhimatay cudurkan inay gaartay 3.452 ruux sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaarada caafimaadka dalka Iran.

Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in tirade u dhimatay cudurkan ay gaartay 501 ruux iyadoo 24kii saac ee ugu dambeeyay ay u geeriyoodeen cudurkan dad gaaraya 76 ruux.

Guud ahaan caalamka oo idil ayaa tirada dhimashada waxa ay kor u dhaafay illaa lix boqol oo kun oo ruux maanta halka dadka uu cudurku soo riteyna ay gaarayaan hal malyan iyo boqol kun oo ruux sida laga soo xigtey Jaamacada Johns Hopkins University.