Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xaruntii EX Baarlamaan oo laga hirgelinayo…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

Ujeedka dhagax dhigan ayaa ahaa mid ay dowladda Hoose ee Xamar ugu tala gashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntan si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Baarlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 1960.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyeen kuxigeenkiisa iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladaha Dhismaha ayaa waxay sheegeen in xaruntan ay tahay meel taariikhi ah oo wixii hadda ka dambeeya dadka u soo dalxiisi doonaan.

Xarunta Ex Baarlamaan ayaa ka mid aheyd goobihii ay ku burbureen dagaaladii sokeeye, waxaana ay noqon doontaa goob taariikhi ah oo lagu xusuusan doono burburkii dalka, waxaana iyada oo dhismaha burburdan taagan hareerihiisa lagu beeri doonaa beero, lagana dhisi doonaa Jardiinooyin.