Puntland oo soo bandhigtay natiijada baaritaanka dad loo karantiilay Coronavirus

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay natiijada ka soo baxday baaritaanka shaqsiyaad looga shakiyay cudurka Coronavirus, kuwaasoo todobaad ka hor lagu karantiilay magaalada Garowe.

War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Puntland u qaabilsan Ka hortagga Cudurka Coronavirus ayaa lagu sheegay in baraitaanka lagu sameeyay dadkii la karantiilay laga waayay cudurka Coronavirus.

Dadkan oo gaaraya shan ruux ayaa afar ka mid ah laga waayay, waxaana weli lala socdaa xaalada qofka shanaad oo lagu celiyay baaritaan labaad, natiijadiisana la sugayo, waxaana qofkan laga shaki qabo dheecaankiisa loo qaaday dalka dibaddiisa, si loogu soo baaro.

Guddiga ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Puntland inay u hoggaansamaan talooyinkii caafimaad ee loo soo jeediyay.