Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle oo laga helay cudurka Coronavirus

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa laga helay cudurka Coronavirus kadib markii baaritaan lagu sameeyay.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Hirshabelle ayaa u sheegay weriye ka tirsan Jowhar.com in baaritaan lagu sameeyay xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow laga helay Covid-19.

Sidoo kale waxaa laga soo xigtey wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabelle in baaritaanka xildhibaan Khaliif uu noqday Positive.

Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow oo ka mid baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhowaan laga soo qaaday magaalada Jowhar kadib markii xanuunkiis looga shakiyay inuu yahay cudurka Coronavirus.

Waa markii ugu horeysay ee gobol ka mid ah dalka Soomaaliya laga helo cudurkan Coronavirus.