Inta badan Howlihii Isbitaalka Digfeer oo la joojiyay sababo la xiriira Coronavirus

Isbitaalka weyn ee Digfeer ee loogu magac daray Receb Tayyib Erdogan ayaa maanta gebi ahaanba joojiyay howlihii caadiga ahaa ama qabashada bukaanada maalinlaha u taga Isbitaalka.

Maamulka Isbitaalka ayaa maanta shaaciyay in la joojiyay qaabilada bukaanada laga bilaabo maanta oo sabti ah 11 April 2020 illaa 31 bisha May 2020.

Sidoo kale Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay inay kaliya furan tahay qaabilaada gurmadka degdega ah, sida dadka ku dhaawacma qaraxya iyo xaaladaha kale ee degdega oo ay ka mid tahay haweenka foolanaya.

Sababaha ugu weyn ee loo joojiyay howlihii caadiga ahaa ee Isbitaalka aya alagu sheegay in qaar ka mid ah Dhaqaatiirta isbitaalka ka shaqeeya laga helay cudurka Coronavirus, kuwaasoo haatan la karantiilay.

Maalin ka hor ayaa la sheegay in isbitaalka la geeyay qof laga helay cudurka Coronavirus, isla markaana qaar ka mid ah dhaqaatiirta uu qaadsiiyay, taasna ay sabab u tahay in la hakiyo dhammaan howlihii caadiga ahaa ee Isbitaalka iyo qabashada bukaanada.