Goobaha aanu saameyn doonin Bandowga Muqdisho oo la shaaciyay

Iyadoo xalay dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in Muqdisho lagu soo rogay Bandow habeenkii ah oo bilaaban doona habeenka arbacada ee taariikhda ku beegan 15 bisha April, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in tallaabada bandowga loogu soo rogay Muqdisho loo qaaday in la xakameeyo faafida bulshada dhexdeeda ee cudurka Coronavirus.

Taliyaha ayaa sheegay in aanu Bandowga saameyn doonin dukaamada ganacsi ee lagu iibiyo cunnada qalalan ee qutul daruuriga iyo xarumaha caafimaadka sida Farmashiyeyaasha iyo isbitaalada.

Waxaa uu ugu baaqay dadka Muqdisho inay u hoggaansamaan amarka Bandowga, sidoo kale Ciidanka Booliska ayuu ugu baaqay inay si wanaagsan shacabka ula dhaqmaan.

Bandowgan oo bilaaban doona 8:00 fiidnimo xilliga Muqdisho, kuna eg 5:00 salaada subax ayaa haddii uu dhaqan galo waxaa uu noqonayaa bandowgii u horeeyay Muqdisho ka dhaqan gala muddo 13 sano kaddib, iyadoo sanadkii 2007 dowladdii uu hoggaaminayay C/llaahi Yuusuf ay Muqdisho ku soo rogtay Bandow, xilligaas magaalada ka jireen falal amni dari.