Madaxweynaha Hirshabelle oo ka qeybgalay kulan loogaga hadlayay kahortagga Coronavirus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Jowhar kulan kula qaatay Guddiga Ka Hortaga Caabuqa Coronovirus.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen ayaa looga hadlay sida hey’adaha Dowladda ay isaga kaashan karaan.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo shirka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay saameynta cudurkan iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in bulshadu ay raacaan tilmaamaha Bahda Caafimaadka iyo Hey’adaha ay quseyso.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa kulankan waxa uu ku faray Wasaaradda amniga iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe in go’aan ay ka qaataan joojinta qaadka iyo ka hortaga qaadka ka yimaada dalka Itoobiya, wuxuuna adkeeyay amarka lagu joojiyay Waxbarashada Iskuulada jaamacadaha, Dugsiyada Quraanka, goobaha dadka isugu yimaadaan sida baararka, iyo Garoomada Kubadda cagta lagu ciyaaro.

Kulankan ayaa yimid kadib markii shalay uu u geeriyooday cudurka Coronavirus mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ka socda wacyigelin ku saabsan ka hortaggida cudurka Coronaviruska.