Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo ku xigeenadiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi uu u geeriyooday dhamaadkii bishii hore qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay magaalada Garowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal

3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.