Mahad Salaad: Qoorqoor waa Nabadoonkii u horeeyay ee ka soo baxay Akadeemiyada Nabad iyo Nolol

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa soo dhoweeyay dadaalada nabadoonimo ee uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ku soo baxay doorashadii muranka badan hareeyay ee dowladda Federaalka garwadeenka ka aheyd.

Mahad Salaad oo khudbad kaftan aheyd ka jeediyay xafladii xil wareejinta ee ka dhacday Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu u qirayo Madaxweyne Axmed Qoorqoor inuu ka dhabeeyay halheyskii ololaha doorashada ee ahaa Waayo Arag wax isku wadi kara.

Waxaa uu sheegay inuu u qirayo in Mr Qoorqoor uu yahay Nabadoonkii u horreeyay ee ka soo baxa Akadeemiyada Nabad iyo Nolol.

“Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye markii la dhisayay dadka wax ka dhisayay kama aanan mid aheyn, qoladi mucaaradsaneyd baa ka mid aheyn hal heys waxaa u ah kalmad la yiraahdo waayo arag wax isku wadi kara, waxaa is weydiinay waayo arag wax isku wadi kara madraso Nabad iyo Nolol kama soo bixi karin see wax u jiraan, madarsadaan lagu barto Car iyo wir lagu barto, facaa iska celi lagu barto, anigaa keligii wadani ah lagu barto, ninka ka soo baxa sidee dad isku wadi karaa ayaa dhahnay, Madaxweyne waxaa caawa ku qireynaa inaa tahay qofkii koowaad ee Nabadoon ah oo ka soo baxa Akadeemiyada Nabad iyo Nolol”ayuu yiri Mahad Salaad.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa ku tilmaama falsafada laga bartay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo saddexdii sano ee ay xukunka hayeen mid aan tanaasul laheyn oo kaliya ahaa wax iska celin iyo dagaal siyaasadeed marba aag cusub laga furo.