Sawirro: Xaaf oo ugu dambeyn xilka ku wareejiyay Axmed Qoorqoor

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay xilka ku wareejiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Doorashadii Axmed Qoorqoor ee muranka dhalisay, ayaa ugu dambeyn lagu xaliyay qaab wada hadal ah iyo dib u heshiisiin ah oo lala galay dhammaan dhinacyadii ka soo horjeeday, waxaana Madaxweyne Qoorqoor lagu ammaanay dadaalka uu sameeyay ee uu u galay inuu la heshiiyo xubnihii ka soo horjeeday.

Madaxweyne Xaaf oo fadhigiisa ahaa Gaalkacyo ayaa si weyn u diidanaa hannaankii doorashada ee ay garwadeenka ka aheyd dowladda Federaalka ee lagu doortay Axmed Qoorqoor, isagoo ku adkeystay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah.

Xaaf ayaa markii dambe wada hadal ogolaaday, waxaana waan waan ay galeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole, siyaasiyiin iyo xubno kale suurta gashay inuu aqbalo inuu tago Dhuusamareeb oo uu xilka wareejiyo, isla markaana caddeeyay in Galmudug ay mid tahay.

Si kastaba ha ahaatee xil wareejintii xalay ayaa soo afjareysa khilaafaadkii siyaasadeed iyo dhinacyadii garabyada u kala qeybsanaa, waxaana Madaxweyne Axmed Qoorqoor u baryay waa cusub oo ku daadihin karo maamul khilaaf la’aan ah, lagana sugayo inuu Galmudug u horseedo horumar iyo midnimo, si ay uga soo kabato khilaafaadkii afarta sano ee ragaadiyay maamulkii ka horeeyay.