Akhriso: Dowladda Soomaaliya oo canshuur dhimis ku sameysay raashinka qutul daruuriga

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in canshuur dhimislagu sameeyay raashinka qutul daruuriga, si looga hortago inuu sicir barar ku yimaado maciishada, kaddib markii uu dhaqaalaha Adduunka uu saameyay cudurka Coronavirus, isla markaana hakad galay isku socodka ganacsiga.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu sheegay in in laga bilaabo 15 bisha April 2020 in canshuurtii laga qaadi jiray bariiska iyo timid la hakiyay muddo kooban, kuna eg 15 bisha July 2020.

Sidoo kale canshuurtii laga qaadi jiray burka, saliidda cuntada la dhimay 50% muddo kooban oo ku eg 15 bisha July.

Sidaas darteed ayaa waxaa la faray Maamulayaasha Furdada Xamar ee Dekeda iyo Furdada Garoonka Diyaaradaha inay dhaqan geliyaan canshuur dhimistaan.