Jabuuti: Tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus oo gaartay 300

Jabuuti ayaa looga dhawaaqay kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka Coronaciruys, iyadoo wasaaradda Caafimaadka dalkaas ay shaacisay 83 ruux oo kiisas cusub oo cudurka COVID-19.

Tirada guud ee cudurkaas uu ku dhacay ayaa gaartay 298 qof, kuwaasoo 41 ka mid ah ay soo kabatay, halka 2 qof ay geeriyootay.

Dadka uu soo ritay cudurkan ayaa u badan ajaaniibta, maadaaka dalka Jabuuti ay ku yaallaan saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin dalal dhowr ah.

Jabuuti ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u saameynayo cudurka Coronavirus ee dalalka Geeska Afrika.