Bandow caawa ka dhaqan galay Muqdisho iyo Ciidamo fara badan oo waddooyinka la dhigay

Waxaa caawa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga dhaqan galay Bandow dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo rogtay, si loo xakameeyo faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Saacada marka ay aheyd 8:00 fiidnimo ayuu si rasmi ah u bilowday Bandowga, waxaana ka arkayay 30 daqiiqo ka hor oo Ciidamada Booliska oo watay gawaari ay ku rakiban yihiin cod baahiyaha kagu wargelinayay in Bandowga loo diyaar garoobo, waqtiguna dhow yahay.

Ciidamo fara badan oo Boolis ah ayaa ka dhigay waddooyinka Muqdisho, si ay u dhaqan geliyaan amarka Bandowga, waxaana lagu arkayay inta badan waddooyinka Caasimadda oo Ciidamada hareeraha wadada ku sugan yihiin.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa ku baaqay in laga qeyb qaato dhaqan gelinya bandowga, isagoo ugu baaqay Ciidamada inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka.

Bandowga ayaa saameyn doonin dukaamada lagu iibiyo raashinka qutul daruuriga, goobaha Caafimaadka sida Isbitaalada iyo Farmashiyeyaasha.

Bandowgan ayaa noqonaya kii 3aad oo Muqdisho si rasmi ah uga dhaqan gala, kaddib burburkii dowladdii dhexe, labadii jeer ee bandow rasmi ah la soo rogo waxay aheyd sanadihii 2006 iyo 2007, xilligaasoo xaalado kala dhalatay amni daro ay u soo rogeen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee sanadkii 2006 ka talinayay Muqdisho iyo inta badan Koofurta Soomaaliya,kaddib markii banaan bax rabshado watay oo ka dhashay mamnuucidii qaadkq Sidoo kale sanadkii 2007 ayaa bandow lagu soo rogay Muqdisho xilligii dowladdii KMG  ee uu hoggaaminayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaana xilligaas Muqdisho ka socday kacdoono hubeysan looga soo horjeeday dowladdii KMG iyo Ciidamadii Itoobiyaanka.