Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle oo ka hadlay sida loogaga hortagi karo Coronavirus

Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la yimaadaan Towbadkeen iyo Alle ka cabsi si loogaga hortago cudurka ku sii faafaya cudurka Coronavirus.

Sheekh Abuukar Xasan Cali Maqaney oo maanta soo booqday qaar kamid ah masaajidyada iyo dugsi quraanada magaalada Jowhar oo ay ka socdaan quraan akhris iyo alle tuug Eebbe loogaga baryayo in Muslimiinta uu ugaga dulqaado halista cudurka Coronaha ayaa hadal gaaban oo uu jeediyay booqashada kadib waxa uu ugaga hadlay sida ugu wanaagsan ee la isaga ilaalin karo cudurkan.

Maamulka Hirshabelle ayaa bilaabay dadaalo xoog leh oo loogaga hortagayo cudurkan oo dadka dalka Soomaaliya ugu geeriyooday uu ka mid ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabelle.

Halkan hoose ka daawo Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali oo ka hadlaya arrimaha Coronaviruska.