Al-Shabaab oo lix xubnood ay ku eedeeyeen basaasnimo ku toogtay Jamaame

Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Jamaame ku toogtay 6 qof oo ay ku eedeeyeen inay yihiin basaasiin u shaqeynayay Sirdoonka dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa riday xukunka dilka, waxaana ay sheegtay inay raggan qirteen dambigooda, iyadoo inta badan Maxkamadaha Al-Shabaab qofka eedeysanaha loo ogolaan Qareen u dooda.

Lixda qof ee lagu dilay fagaare ku yaalla Jamaame ayaa la sheegayaa in qaarkood ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Lixda xubnood ee dilka toogasho lagu fuliyay ayaa magacyadooda kala ahaayeen:-

1- Maxamad Iidow Aadan (Tareeso), waxaa lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka.

2- Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow – waxaa lagu eedeeyay inuu ka tirsana Sirdoonka Dowladda federaalka.

3- Cusmaan Cabdulle Afrax – waxaa isna lagu soo eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka.

4- Xassan Hafow Saney – waxaa lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

5- Maxamad Cali Madkeerow (Qoryooley) – waxa lagu soo eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.

6- Hilowle Bashiir Aadan oo isna lagu soo eedeeyay inuu shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.