Faah faahin: Dhaqtar dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dhaqtar dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob caafimaad oo uu ku lahaa Xaafada Dabakaaya-Madow ee degmada Dharkeenley.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa dilay dhaqtarka oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf Suudaani oo ahaa dhaqtar dhalinyaro ku soo waxbartay dalka Suudaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Dr Suudaani uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo degan, isla markaana markii uu ka soo laabtay dalka Suudaan uu goob caafimaad Farmashiye ah ka furtay degmada Dharkeenley.

Al-Shabaab ayaa war ay ka soo saareen dilkaas waxay ku sheegteen inay ka dambeeyeen dilkaas, isla markaana dhaqtarka uu ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka, gaar ahaan qeybta Dharcadka.