Sawirro: Turkiga oo agab caafimaad u soo diray dowladda Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarsiisay agab caafimaad oo loogu tala galay ka hortagga Coronavirus COVID-19, taasoo noqoneysa gargaarkii u horeeyay oo Turkiga soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu wareejiyay agabkanm waxaana xubnahaas hoggaaminayay wasiir kuxigeenka Caafimaadka

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibka dhow la ah Soomaaliya, iyadoo mar walba shacabka Soomaaliyeed la garab taagan kaalmo bani’aadanimo oo dhinac walba ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta ka hortagga cudurka Coronavirus, waxaana tirada dadka uu soo ritay cudurkan uu gaaray 116 qof, halka 5 qof ay u geeriyoodeen.