Taliyaha Booliska oo sheegay in wax laga bedeli doono Bandowga Muqdisho

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka warbixiyay qaabkii uu u dhaqan galay bandowga, isagoo uga mahadceliyay shacabka Muqdisho, sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen dhaqan gelinta Bandowga.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in marka la gaaro bisha Ramadaan is bedel lagu sameyn doono bandowga dowladdu ku soo rogtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bandowga dowladda soo rogtay la gaarsiin doono guud ahaan gobolada dalka, inkastoo haatan ku kooban yahay Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay in Bandowga ujeedkiisa yahay in la xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, isla markaana dowladdu tallaabooyinkaas u qaaday si looga hortago.

Habeenkii labaad ayaa waxaa xalay dhaqan galay Bandow dowladda ku soo rogtay magaalada Muqdisho, iyadoo bandowga bilowday 8-dii fiidnimo, kuna ekaa 5-ta subaxnimo.