Ciidamada Milateriga oo howlgal kula wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Baay

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidanka Milateriga Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa daraawiishta Koofur Galbeed ayaa howlgallo ka fuliyay deegaano hoos-taga degmada Diinsoor.

Howlgalkan ayaa ciidamada kula wareegeen deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidanka ee horkacayay howlgalka ay sheegeen in howlgalada ay sii socon doonaan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan ujeedkiisa ahaa sidii looga hortagi lahaa culeyska Al-Shabaab soo saareen Diinsoor, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay dileen dad watay gaari dameer oo raashiin u soo waday Diinsoor.

Degmada Diinsoor ayaa ka mid ah deegaano ka tirsan Gobolada Baay ay go’doomiyeen Al-Shabaab, waxaana raashin loo waday degmadaas iyo deegaano kale ay u galeen jidka, isla markaana ay gubeen.