Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xil ka qaadis iyo xarig isugu daray Guddoomiyihi degmada Shibis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis C/raxmaan Sayid Cali.

Sida wararku sheegayaan xil ka qaadista kaddib ayaa Guddoomiyihii Shibis lagu xiray Xarunta CID, si loo baaro musuq la xiriira amar Maamulka degmada ku soo rogtay guryaha ku yaalla degmada Shibis oo ahaa mid lacag looga qaadayay guri kasta, kaasoo aanu maamulka ogeyn.

Wararka ayaa sheegaya in amarka degmada ku soo rogtay guryaha uu ahaa warqad diiwaangelin oo laga buuxinayo guri kasta qoysaska degan oo la sheegay in laga qaadayay gurigiiba lacag, taasoo aanay aheyn mid guud oo degmooyinka oo dhan quseysay, balse ahaa arrin u gaar aheyd degmada Shibis.

Arrinta warqada diiwaan gelinta guryaha ayaa dadka siyaabo kala duwan u hadal hayeen, waxaana lagu soo daabacay baraha bulshada oo dadku ku muujiyeen cabasho, taasoo markii dambe ay gaartay Maamulka sare ee Gobolka Banaadir oo keentay in su’aalo laga weydiiyo Guddoomiyaha degmada Shibis, kadibna xilka laga qaado, lana xiray.