Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay dadaallada lagu ballaarinayo xarumaha Caafimaad ee lagula tacaalayo Bukaannada COVID-19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa maanta ka war bixisay xaaladdii ugu dambeeyay ee COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegtay in dadaallada is-daba joogga ah ee dowladdu sameysay awgeed lagu guuleystay qorshayaal badan oo qayb ka ahaa dadaallada lagu xakameynayo COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo la taliyaha nidaamka caafimaadka, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, ayaa shirka jaraa’id kadib waxay ka jawaabeen su’aalo laga weydiiyay arriamah ku xeetay COVID-19.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday dadaalo lagu kordhinayo xarumaya lagula tacaalo dadka qaba cudurka Coronavirus, iyadoo tirada dadka haatan lala tacaalayo ay gaarayaan in ka badan 100 ruux.