Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo

Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira xaalada caafimaad ee hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un.

Taleefishinka dalka Maraykanka ee CNN ayaa baahiyay in ay heshay xogo sirdoon ah oo sheegaya in xaalada caafimaad ee Kim ay aad u liidato.

Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey.

Kim ayaa la sheegay inuusan ka qeybgelin dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas.

Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay.

Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu sameeyey sababo la xiriira “sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo intaas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan.

Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaalaha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabteen Pyongyang 19-kii April.

Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay.

Laba sarkaal oo ka tirsan dowladda Korea-da Koonfureed ayaa ku gacan seeray warbixinta CNN, ayaga oo aan sharxin in Kim uu qalliin maray iyo in kale.

Madaxtooyada Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan xisbiga shuuciga ah ee maamula Shiinaha, gaar ahaan qeybta qaabilsan arrimaha Korea-da Waqooyi ayaa Reuters u sheegay inay rumeysan yihiin in Kim uusan xanuunsaneyn. China ayaa ah xulufada ugu weyn ee Korea-da Waqooyi.

Xigasho;VOA