Rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku qaraxday miino ay ku aasayeen isgoyska SOS

Rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo ay ku aasayeen mid ka mid ah xaafadaha Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan raggan oo ahaa saddex nin ayaa midkii qaraxa aasayay goobta ku dhintay, kaddib markii miinada ay ku qaraxday, halka labada kale oo waardiyeynayay uu soo gaaray dhaawac.

Ciidamada Amniga oo durba ku baxay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay labada ruux ee dhaawaca ahaa.

Ragga la qabtay ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Nabadsugida, si macluumaad looga helo, waxaana mid ka mid ah oo dhaawiciisa liito daaweynayaa Isbitaal ku yaallo Muqdisho.