Soomaaliya: Tirada Dadka laga helay Coronavirus oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan tiro cusub oo laga helay cudurka Coronavirus, kaddib baaritaan lagu ogaaday 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tiradan ayaa lagu sheegay 73 qof in laga helay cudurkan, kuwaasoo 51 ka mid ah ay yihiin rag, halka 22 kalena ay dumar yihiin.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in hal qof uu bogsaday, halka hal qof u dhintay cudurkan 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tirada Guud ee dadka cudurkan soo ritay ayaa haatan gaaray 237 qof, waana tiradii ugu badneyd ee Soomaaliya ku sugan oo laga helay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka inay ku dhaqmaan tallooyinka ka hortaga ah si loo yareeyo faafida cudurkan.