Dowladda oo wax ka bedeshay Bandowgii saarnaa Muqdisho (Akhriso)

Dowladda Soomaaliya ayaa wax ka bedel ku sameysay Bandowgii saarnaa muddo todobaad ah magaalada Muqdisho, iyadoo saacad laga soo hormariyay waqtigii uu bilaabanayay.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Xijaar oo goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in bisha Ramadaan hal saac la soo hormariyay Bandowga, isla markaana uu bilaabanayo 7-da Fiidnimo.

“Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore. Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo”ayuu yiri Taliyaha Booliska.

Tallaabadan ay dowladdu ku soo hormarisay bandowga ayaa loo arkaa mid lagu joojinayo salaada taraawiixda ee bisha ramadaan, maadaama horay u suura geli weyday in la joojiyo Salaada Jimcaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha labaad ee ku jira bandowga waqtigiisa la bedelay ayaa ah in amniga Caasimadda la sugo xilliga bisha Ramadaan, maadaama xilliyada bisha ramadaan ay Al-Shabaab weerarada magaalada Muqdisho ka geystaan ay kordhiyaan.

Bartamihii bishan April ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay bandow ku soo rogtay magaalada Muqdisho, si looga hortago faafitaanka Coronavirus.